Duco aad u qiima badan
Videoclipkan waxuu ka koobanyahay Duco aad u qiimo badan oo uu akhrinayo Sheikh محمد الناعم . Illaahay waxaan ka baryahayaa in uu naga aqbalo, isagana miisaankiisa xasanaadka’ah u saaro.
Abu Huraira (Alle ha ka Raali noqdee) ayaa sheegay, in Rasuulka [Illaahay naxariis iyo nabad galyo korkiisa ha yeelee] uu yidhi:
” Qof kasta oo idin ka mid ah ducadiisa Ilaahay wuu aqbalaa haddii aanu jawaabta deg degsan oo aanu odhan: Anigu Ilaahay baan baryoo ii muu yeelin wixii aan weydiistay.” [Waxa weriyey Bukhaari iyo Muslim]
Akhriso ‘Asluubta Alla-Bariga ama Ducada’ by Kawsar Mahamud
“Jannadu waxa ay hoos imaadaa hooyada”
Waxaa bilowday muctamarkii xagaaga ee magaalada Oslo, Norway. Kaas oo bilowday khamiistii 9.april.2009 oo soo afjarmaya maanta oo ah Axad 12.April. 2009. Ciwaanka mutamarkani aad ayuu u xiiso badanyahay sidaan u arko.
Fursad uma helin muctamarka in aan ka qayb qaato, laakiin waxaan kala socdey Paltalkiga markaan wakhti u helo. Illaa iyo hada waxaan dhageystay maxaadarada la magac baxday “Jannadu waxa ay hoos imaadaa hooyada” ee uu soo jeedinayay sheekh Maxamed Idris.
Maxaadaradan runtii waxey ahayd mid aad u qiiro badan, isaga oo uu sheekhu markuu ka sheekeynayay qiimaha hooyada ilmadu ka daadaneysay.

Hooyo Soomaaliyeed from ednahospital.org
Hooyadayna oo ila dhageysaneysay maxaadaradan waxa ay xasuusatay hooyadeed oo dhimatay qiyaastii 15 sanno kahor. Waxa ayna la ooyeysay, hooyadeed in eysan u baarinimo sameyn jirin. Arintaasna anaa markhaati ka ah, oo hooyaday baarinimo tii ugu wanaagsaneyd ayey hooyadeed u sameyn jirtay, jeer ay ayeeyday diiday in ey dagto meel aan ka aheyn hooyadey agteeda. Hooyadeyna intey yareyd ilaa ay ka guursatey iyo ilaa intey ayeyday ka dhimaneysay, isku si ayey ugu baarinimo sameyn jirtay. Waxaa jirta bari in ey ayeyday oo joogta baadiyaha gobolka Qoraxey ee dalka Ogadeniya ay bukootay. Markaas iyada’ah, hooyadey waxa ay daganeyd Hiiraan, dalka Soomaaliya. Hooyadey waxa ay markaas laheyd 3 ilmood, oo aan aniga oo jira wax aan sannad dhaneyn ugu yaraa. Markuu warkaas isaga ah (in hooyadeed bukootay) maqashay, ayeey aad u murugootay. Walaaladeedii kalana ma aysan maqal arintan. Hoyaday iyada oo cidlo dareemeysa ayeey tirisay buraanbur, kaas oo ay ugu calaacaleyso walaasheed ka weyn.(Buraanburku wuxuu ahaa mar kasta, habka ey hooyadey murugadeeda ku cabirto.) Waxayna tidhi:
“Shimbirta qeyleysa ee qaaradaha martay, in aan Qoraxay tagoo qaabna aanan hayn, oo hooyadeen qaadi karin, qaayo Khadar (habaryartay) usheeg”
“Ergadii Furqaan”
Faalayn: W.Q: Batulo Abdirahman
Gabaygan “Ergadii Furqaan” waxaa tiriyay abwaanka Maxamed Ibraahim Warsame (Hadraawi) wuxuuna ku jiraa buugiisa “Hal Ka Haleel”. Waa gabay aad cajiib u ah. Wuxuu kamid yahay gabayada Soomaaliyeed ee aan aadka u qadariyo, kuna ihtimaamo in aan dabo iyo dacal xifdiyo, walowba uu xifdiskeyga gabayada aad u xunyahay. Sababta aan gabaygan ku jeclaaday ma’aha kali’ah ixtiraamka aan u qabo abwaanka Hadraawi, ee waa xataa jacelyka aan u qabo Nabi Muxamed [scw]. Gabaygan wuxuu ka sheekeynayaa dhalashadii Suubanaha [scw] ilaa iyo geeridiisii.
Nebiggi Ilaahow
Nuurkii Islaamkow
adigoo adduunkiyo
ifka weli ka maqan baa
lagu sii oddorosoo
ishaarooyin badan baa
dadku kaa arkeenooMaalmaha Illaahay
qaar baa astaanlee
toddobada ayaamood
Isniin baad ka dhalatoo
adduunyada xuskaagii
ololaa ka dhacayoo
urur-weyne goortii
ugxantaadu bururtaa
xiddiguhu ifeenoo
dayaxaa ilayskii
arladoo dhan gaadhoo
onkodkiyo hillaacaa
araggiyo wax maqalkii
ash qaraar ku ridayoo
Insigiyo jinkaa faraxAbshir dhaha la yidhiyoo
inta haadda duushiyo
idil ha bar dugaag baa
abaabuley ciyaaroo
dhirtu oogadaadiyo
afartaada geesood
ubax iyo caleen bay
ku ilaa-xidheenoo.
Abtirsiimadaadiyo
meeshaad ku ababtaa
dadku wada ogaayoo
Aaminatu Wahab baa
kugu qaaday uurkoo
weli soo if bixin baa
adoogaa xijaabtoo
nafta laga aroorshoo
Amran hooyadaa baa
ummushii ku dhimatoo
