Skip to content

“Ergadii Furqaan”

October 16, 2008

Faalayn: W.Q: Batulo Abdirahman

Gabay ( 5-tiiba 5)

Gabaygan “Ergadii Furqaan” waxaa tiriyay abwaanka Maxamed Ibraahim Warsame (Hadraawi) wuxuuna ku jiraa buugiisa “Hal Ka Haleel”. Waa gabay aad cajiib u ah. Wuxuu kamid yahay gabayada Soomaaliyeed ee aan aadka u qadariyo, kuna ihtimaamo in aan dabo iyo dacal xifdiyo, walowba uu xifdiskeyga gabayada aad u xunyahay. Sababta aan gabaygan ku jeclaaday ma’aha kali’ah ixtiraamka aan u qabo abwaanka Hadraawi, ee waa xataa jacelyka aan u qabo Nabi Muxamed [scw]. Gabaygan wuxuu ka sheekeynayaa dhalashadii Suubanaha [scw] ilaa iyo geeridiisii.

Nebiggi Ilaahow
Nuurkii Islaamkow
adigoo adduunkiyo
ifka weli ka maqan baa
lagu sii oddorosoo
ishaarooyin badan baa
dadku kaa arkeenoo

Maalmaha Illaahay
qaar baa astaanlee
toddobada ayaamood
Isniin baad ka dhalatoo
adduunyada xuskaagii
ololaa ka dhacayoo
urur-weyne goortii
ugxantaadu bururtaa
xiddiguhu ifeenoo
dayaxaa ilayskii
arladoo dhan gaadhoo
onkodkiyo hillaacaa
araggiyo wax maqalkii
ash qaraar ku ridayoo
Insigiyo jinkaa farax

Abshir dhaha la yidhiyoo
inta haadda duushiyo
idil ha bar dugaag baa
abaabuley ciyaaroo
dhirtu oogadaadiyo

afartaada geesood
ubax iyo caleen bay
ku ilaa-xidheenoo.
Abtirsiimadaadiyo
meeshaad ku ababtaa
dadku wada ogaayoo
Aaminatu Wahab baa
kugu qaaday uurkoo

weli soo if bixin baa
adoogaa xijaabtoo
nafta laga aroorshoo
Amran hooyadaa baa
ummushii ku dhimatoo

Sii akhri….

2 Comments leave one →
  1. baidoa permalink
    August 13, 2011 2:43 pm

    runtii waa duruus ame dersi dheer si cilmi iyo aqoon dhab ah ku dheehan oo uga waramaayo halgankii iyo taariikhda nabi mohamed csw laga soo bilaabo intuusan ifka iman
    runtii waa gabay ame hees qiimo wayn ku fadhiso

    • August 24, 2011 2:18 pm

      Baidoa ku soo dhawow bloga walal. saad sheegtay waa gabay qiimo wayn xanbarsan, Illaahay ha ka ajarsiiyo abwaanka.

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Connecting to %s

Follow

Get every new post delivered to your Inbox.