Skip to content

“Jannadu waxa ay hoos imaadaa hooyada”

April 12, 2009

Waxaa bilowday muctamarkii xagaaga ee magaalada Oslo, Norway. Kaas oo bilowday khamiistii 9.april.2009 oo soo afjarmaya maanta oo ah Axad 12.April. 2009. Ciwaanka mutamarkani aad ayuu u xiiso badanyahay sidaan u arko.

Fursad uma helin muctamarka in aan ka qayb qaato, laakiin waxaan kala socdey Paltalkiga markaan wakhti u helo. Illaa iyo hada waxaan dhageystay maxaadarada la magac baxday “Jannadu waxa ay hoos imaadaa hooyada” ee uu soo jeedinayay sheekh Maxamed Idris.

Maxaadaradan runtii waxey ahayd mid aad u qiiro badan, isaga oo uu sheekhu markuu ka sheekeynayay qiimaha hooyada ilmadu ka daadaneysay.

Somaliland nomads

Hooyo Soomaaliyeed from ednahospital.org

Hooyadayna oo ila dhageysaneysay maxaadaradan waxa ay xasuusatay hooyadeed oo dhimatay qiyaastii 15 sanno kahor. Waxa ayna la ooyeysay, hooyadeed in eysan u baarinimo sameyn jirin. Arintaasna anaa markhaati ka ah, oo hooyaday baarinimo tii ugu wanaagsaneyd ayey hooyadeed u sameyn jirtay, jeer ay ayeeyday diiday in ey dagto meel aan ka aheyn hooyadey agteeda. Hooyadeyna intey yareyd ilaa ay ka guursatey iyo ilaa intey ayeyday ka dhimaneysay, isku si ayey ugu baarinimo sameyn jirtay. Waxaa jirta bari in ey ayeyday oo joogta baadiyaha gobolka Qoraxey ee dalka Ogadeniya ay bukootay. Markaas iyada’ah, hooyadey waxa ay daganeyd Hiiraan, dalka Soomaaliya. Hooyadey waxa ay markaas laheyd 3 ilmood, oo aan aniga oo jira wax aan sannad dhaneyn ugu yaraa. Markuu warkaas isaga ah (in hooyadeed bukootay) maqashay, ayeey aad u murugootay. Walaaladeedii kalana ma aysan maqal arintan. Hoyaday iyada oo cidlo dareemeysa ayeey tirisay buraanbur, kaas oo ay ugu calaacaleyso walaasheed ka weyn.(Buraanburku wuxuu ahaa mar kasta, habka ey hooyadey murugadeeda ku cabirto.) Waxayna tidhi:

“Shimbirta qeyleysa ee qaaradaha martay, in aan Qoraxay tagoo qaabna aanan hayn, oo hooyadeen qaadi karin, qaayo Khadar (habaryartay) usheeg”

Hooyadey waxa ay ka soo oraday Hiiraan oo ay ayeyday baadiyaha Qoraxey ugu timid, iyada oo aniga i wadata. Kadibna hooyadeed oo bugta, oo aan socon karin ku soo qaaday dameer. Waxaad sawiran kartaa qof dumar ah oo lugeyneysa, iyada oo ilmo yar oo sannad ka yar xanbaarsan, kadibna qof weyn (ayeyday) oo aan socon karin ku wada dameer, meel fog oo kilometer-yo badan loo socdana u wada. Iyada oo ay taasna u dheertahay ciid, oon, qorax iwm. Ta kale ee hooyaday ka oohineysa waxaa weeye, in ayeyday naftu ka dhacday iyada oo aan la joogin. Hooyaday oo safar aaday, ayaa waxey nooga tagtay ayeyday, kadibna intey hooyadey maqneyd ayey ayeyday bukootay. Ayeyday 3bari kadib tii Alle ayaa utimid, oo eraygeedii ugu danbeeyay wuxuu ahaa: “Ma timid”. Taas oo ey kawaday hooyaday. Hooyaday waxay magaalada soo gashay ayeyday oo la aasayo, oo ay magaaladii oo idil u adeegeyso (ayeeyday waxay ahayd qof dadka la qadariyo ee magaalada kamid’ah). Kadibna wiil yar ayaa ku yidhi: “hooyadaa baa dhimatay”. Hooyadey miyir markaa ayaa ugu danbeysay. Ma ay ka sheekeyneysay xaaladaa iyada ah, waxa ay tidhi: “Waxaan ku jiray nooc waalida kamid ah. Cagaheyguna in ey ugu yaalaan maba u maleyneynin. Maba umeleyn jirin in aan hooyadey kadib noolaan doono”. Hooyadey waxay orad ku timid gurigii hooyadeed, iyada oo markaas rabta in ey aragto meydkii hooyadeed. Waxaan nafteyda la ooyay, in ey hooyadeyda saas ubaariyada aheyd ay uciilqabto in eysan baariyad aheyn, aniga oo aan “ciddi caaradeed” ka gaadhi karina xageen joogaa? :-(

Hadaan maxaadaradii Sh. Idris usoo laabto. Wuxuu sheekhu sheegay in ey hooyadii dhimatay isaga oo jira da’da 40 sanno. Haatana cabirayay dareenkiisa ah, in ey hooyadu tahay mid naxariis iyo jaceyl ka abuuran, meeshey joogtana Jannadu ka dhowdahay, sida Rasuulkii Alle scw inoo sheegay. Waxuu soo wariyay Ibn Majah (Allaha u naxriistee), in uu Rasuulkii Alle qof ku yidhi:

Ahow cagaha hooyadaa, halkaaseey Jannadu taalaa ( yacni: Jannadu cagaha hooyadaa bey taala

a)” (Ibn Majah, Sunan, Hadith-ka cadadka 2771).

Ayaadaha qur’aanka ah ee mas’aladahan ka hadlayana ciidey ka badanyihiin. Oo waa tuu Alle ku yidhi aayad Qur’aan ah:

“Wuxuu faray Eebahaa inaydaan caabudin isaga mooyee iyo inaad usamo fashaan labadii Waalid samo falid, hadduu ku gaadho agtaada wayni midkood ama labaduba ha ku dhihin uf, hana canaanan una dheh hadal fiican” [aayada 23. Suurada Al-Israa].

Culumadii waaweyneyd ee hore, waxaan fil

ayaa in uu ahaa Axmed Ibn Xambal, laakiin ma hubo. Ayaa waxaa laga soo wariyay in uu ooyay markey hooyadii dhimatay, kadibna markii la weydiiyay sababtuu u ooyayo, wuxuu sheegay in uu la ooyayo in ey albaabadii jannada mid kamid ah ka soo xidhantay. ( Inshallah qisada

way iga kala dhimantahay, laakiin iyadoo dhan baan gadaal usoo fiirin).

Runtii waa nimco nimcooyinka Alle kamid ah, in uu hooyadaa ku agnooshahay. Laakiin qaar badan oo inaga mid ah, aniguna kow ka ahay, ma ku xamdino Alle. Alle ku mahadintana waxaa kamid ah, in aan u baari fallo iyaga, waalidkeen.

Inshallah maqaalkeyga soo socda ayaan kaga hadli doonaa baari sameynta waalidka guud ahaan, aniga oo usii galaya si xeel dheer, Inshallahu.

Wixii aan khalday, waxay ka yimaadeen xageyga iyo Sheydaan. Wixii aan saxeyna waxay ka ahaadeen xaga Alle. Sidoo kale waxaan Alle ka danbi dhaaf weydiisanayaa, in uu iga dhaafo wixii gaf ah ee aan ku hadlay.

Anasheed: “Waan kuu soo laaban, hoo Axmed Bakhater

yooy!,


——————-

Ka soo xigtay:

· Qur’aanka Kariimka iyo tarjamada Macnihiisa ee Afka Soomaaliga” Sh. Maxamuud Maxamed Cabdi. Muqdisho, 12.2.1405.

· http://www.islamonline.net

No comments yet

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Connecting to %s

Follow

Get every new post delivered to your Inbox.