Duco aad u qiima badan
Videoclipkan waxuu ka koobanyahay Duco aad u qiimo badan oo uu akhrinayo Sheikh محمد الناعم . Illaahay waxaan ka baryahayaa in uu naga aqbalo, isagana miisaankiisa xasanaadka’ah u saaro.
Abu Huraira (Alle ha ka Raali noqdee) ayaa sheegay, in Rasuulka [Illaahay naxariis iyo nabad galyo korkiisa ha yeelee] uu yidhi:
” Qof kasta oo idin ka mid ah ducadiisa Ilaahay wuu aqbalaa haddii aanu jawaabta deg degsan oo aanu odhan: Anigu Ilaahay baan baryoo ii muu yeelin wixii aan weydiistay.” [Waxa weriyey Bukhaari iyo Muslim]
Akhriso ‘Asluubta Alla-Bariga ama Ducada’ by Kawsar Mahamud

Huuno aad ayaad ugu mahadsan tahay ducada wanaagsan iyo shaqada aad haysaba. waxaanba islahaa bloggeedii wuu iska xidhmay… hadaan moodi inuu shaqayn macmiilbaan kuu noqon lahaa..
keep it up huuno
Haradigeed huuno marka hore Ramadan kareem baan ku leeyahay, marka xigana soo dhawow, waadna mahadsantahay. Blogga ma xidhmin laakiin waan ka mashquulay oo wakhtigaan siin jiray barigii hore uma hayo hada (howl adduun uun lol). Ma soo booqan baryahan blogagii runtii, waanba iska mashquulay, but I will InshaAllah.
Keep it up adiguna the good work huuno.